DEG DEG:-Haweeney Ajnabi ah oo goordhow laga afduubtay guri ay ka deganeyd Muqdisho

Warar soo gaaray Radio Dalsan ayaa waxa ay sheegayaan in goordhow qeybo ka mid ah laga afduubtay Gabar Cadaan ah oo u Shaqeyneysay Hay’adda ICRC.

Rag hubeysan oo aan la garaneyn ayaa Gabadhaas Cadaanka ah waxa ay ka afduubteen Guri ay degan yihiin Shaqaalaha Hay’adda ICRC oo ku dhow Hotelka Shaamow ee laami yaraha degmada Wadajir.

Afduubka Gabadhaas ayaa waxaa Radio Dalsan u xaqiijiyey Sarkaal ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliya oo lagu Magacaabo Cabdi Fitaax waxa uuna sheegay Gabadha lagala baxay Gurigii ay deganeyd,isla markaana Gari lagu qaatay.

Weli lama helin dalka ay u dhalatay Gabadhaas Ajnabiga ah ee u Shaqeyneysay Hay’adda ICRC ,waxaanaSarkaalka uu sheegay in iminka ay baaritaano ku adan cidda gabadhaas afduubatay.

Wixii ku soo kordha kala socda Radiodalsan.com

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media