Deg Deg: Hal Qof oo Ku Dhintay Rasaas Lagu Furay Taageerayaal ku sugnaa Garoonka Koonis

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay Rasaas ay fureen Ciidamadda Ilaalada Garoonka kubadda Cagta Koonis Stadium kadib markii ay isku dhaceen Taageerayaasha Kooxaha Banadir iyo Jeenyo.

Qofka dhintay waxa uu kamid ahaa Dadkii daawanayay Kulanka Maanta ee ka dhacay garoonka Koonis ee Muqdisho.

Taageerayaasha kooxda Banadir ayaa Bilaabay sawaxan iyo buuq iyadda oo ciyaarta ay ahayd 2-1 waxana lagu lahaa Goolka Kooxda Banadir.

Waxa ay Weerar toos ay ku wajaheen Taageerayaasha kale ee Kooxda Jeenyo,waxana halkasi ka dhashay Dagaal toos ah.

Booliska iyo taageerayaasha ayaa isku dhacay Rasaas badan ayay ku fureen Booliska Dadkii bilaabay Rabshadda dhacday.

Waxa jira Warar kale oo sheegaya in dhimashada ay tahay Laba Ruux.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor