DEG DEG: Al Shabab oo sheegtay in Guutada Abuu Zubeyr ay Fulisay Weerarkii Janaale

Al Shabab ayaa shaacisay in Guuto loo Magacdaray Hogaamiyihii Al Shabab Axmed Cabdi Godane ay fuliyen Weerarkii Saakay Al Shabab ay kula wareegen Saldhiga AMISOM ee Janaale.

Maanta oo kale ayay ahayd markii Mareykanka ay duqeyn ku dilen Abu Zubeyr waxana Guutada loogu Magacdaray ay AMISOM ku qaaden Weerar Culus oo ku bilawday Qaraxyo ismiidaamin ahaa.

Ugu Yaraan 50 ka tirsan Ciidamada AMISOM ayaa ku dhimatay Weerarka sida uu sheegay Afhayeenka Al Shabab Sheekh Cali Dheere.