DEG DEG:-Gudoomiye Muudey”Jawaari wuu is casilay

War goordhow soo gaaray Radio Dalsan Muqdisho ayaa waxa uu sheegayaa in u is cailay gudoomiyihii Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh cusmaan Jawaari.

Maanta oo Isniin ah ayaa loo balan sanaa kulanka golaha Shacabka si looga doodo mooshinka laga gudbiyey gudoomiye Jawaari balse waxa ugu dambeyn la sheegay in uu is casilay.

Xildhibaan Cabdulalahi sheekh Isamaciil oo ka mid ah Baarlamanka Soomaaliya ayaa Dalsan u sheegay in warqad uu soo qoray gudoomiyaha laga hor akhriyey Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaano aan badneyn  oo ku shiray Xarunta Golaha Shacabka ayaa waxaa warqad is casilaad ah ka hor akhriyey gudoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabduweli Ibarahim Muudeey.

Gudoomiye Jawaari ayaa Dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxauud waxa uu ahaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka,waxana markale loo doortay xilkaas,waxana hadda kaliya uu ka mid yahay Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media