Deg Deg : Gudoomiye Ku Xigeenka Wadajir oo La Dilay (Dhageyso)

Kooxo Hubeysan ayaa Goor dhaw ku toogtay Magaaladda Muqdisho Gudoomiye Ku Xigeenka Degmadda Wadajir Cabdifatax Barre Guure iyo Askari ilaalo u ahaa.

Rag Hubeysan ayaa Rasaas ku furay Gaariga Gudoomiye Ku Xigeenka oo Marayay Xaafadda Nasteexo Ee Degmadda Wadajir.

Weerarka Gudoomiyaha lagu dilay waxa sheegatay Xarakadda Al Shabab Ee ka dagaalanta Dalka Soomaaliya.

Afhayeenka Gobolka Banadir Cabdifatax Cumar Xalane  ayaa sidasi u xaqiijiyay Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor