DEG DEG:-Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliland oo la doortay

Magaalada Hargeysa ee deegaanada Maamulka Soomaaliland waxaa Maanta lagu qabtay doorashada Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Maamulka Soomaliland taas oo ay ku tartamayeen ilaa laba musharax.

Doorashadaan oo aheyd mid aad u adag ayaa ugu dambeyn waxaa ku guuleestay in xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Soomaailand in uu noqdo Baashe Maxamed Faarax,oo horay u ahaa Gudoomiye ku Xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada soomaaliland.

Doorashada ayaa waxaa ku tartamayay  Cabdiraxmaan Talyanle u Codeeysay 38 Mudane halka  Baashe Maxamed Faarax,ay u codeeyeen 39 Mudane sidaasna uu ku guuleestay.

Shirgudoonka Golaha Wakiilada Somaliland ayaa waxay shaaca ka qaadeen in 7 Cisho kadib isna la dooran doono booskii uu baneeyey Baashe Maxamed Faarax ee Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha wakiilada Soomaaliland.

Goordhow la socda Codadka iyo Sawirrada Doorashada