DEG DEG:-Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliland oo Goordhow iscasilay

Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro” oo muddo 12 sano ah hayay xilka gudoomiyaha wakiilada Somaliland ayaa hadda si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu iska casilay xilka gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland.

Kulan ay Magaalada Hargeysa ee deegaanada Soomaaliland Maanta ku yeesheen Golaha Wakiilada Soomaaliland isla markaana ay kasoo xaadireen badi xildhibaanada wakiiladu ayaa waxa loo qaybiyay xildhibaanada ka hor intaan Cirro is casilin buugaag ka hadlaya waxqabadkii golaha wakiilada Somaliland intii uu gudoomiye Cirro xilka hayay.

Intaas kadib waxaa hadalka qaatay Gudoomiye Cirro waxa uuna ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkaasi isla markaana uu u madax banaan yahay hawlihiisa gaarka ah,sidoo kalena waxa uu shaaca ka qaaday in uu u tartamayo jagada ugu saraysa dalka ee ah madaxwaynaha Somaliland sidaas darteedna uu iskaga casilay xilkii qaranka uu u hayay.

Goordhow la socda Wararkii u dambeeyay ee ku aadan iscasilaada Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Soomaaliland

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media