DEG DEG:-Gudoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo aqbalay xilka qaadistii Cosoble

Magaalda Jowhar ee Xarunta Mamulka Hir-Shabeelle waxaa Gordhow Shir Jara’id Warbaahinta ugu qabtay Gudoomiyaha Baarlaamaanka Maamulkaas Shiikh Cismaan Barre.

Shirkiisa Jaraa’id ayaa waxa uu kaga hadlay xilka qaadistii xildhibaanada Hir-Shabeelle ay ku sameeyeen Cali Cabdulalahi Cosoble,isaga oo sheegay in uu aqbalay ilsmarkaana Xildhibaanada uu ku raacay.

Tani ayaa waxa ay meesha ka saareysaa rajadii Mudane Cosoble uu ka qabay in uu sii ahaado Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle.

Magaalada Jowhar ayaa waxaa haatan ka socda shirar kala Gooni Gooni ah oo ay leeyihiin Xildhibaanada Hir-Shabeelle iyada oo ay la kala shirayaan Cali Cabdullaahi Cosoble iyo Sheekh Cusmaan Bare Maxamed.

Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com

 

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media