Nuur Iidow Beyle oo ku guuleystay kursiga Xildhibaannimo doorasho ka dhacday Jowhar

Waxaa Goordhow soo gaba gabowday doorashadii kursiga ka banaanaa Golaha Shacabka Soomaaliya ee lagu qabtay Jowhar ee uu baneeyay Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe taliyihii hore ee Ciidanka Nabas-Sugida Soomaaliya ,waxaana tartamayay ilaa lix Musharax.

Wareegii Koowaad ayaa waxaa tartamay

1:-Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe

2:- Nuur Iidow Beyle

3:-Dahabo Xasan Axmed

4:-Dahir Cabdulle Cawaale

5:- Cali Cabdullaahi Cosoble

6:-Xuseen Axmed Geelle

Wareegii Koowaad ayaa waxaa ku haray musharixiintii kala ahaa

1:-Dahabo Xasan Axmed

2:-Daahir Cabdulle Cawaale

3:- Cali Cabdullaahi Cosoble

4:-Xuseen Axmed Geelle

Wareegii labaad ayaa waxaa ku tartamay Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo Nuur Iidow Beyle,kuwaas oo uu dhex maray tartan adag,waxaana ay kala heleen  Codad dhan 27 Nuur Iidow Beyle halka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo la tartamayay uu helay 24 Cod mana jirin Cod halaabay.

Gudiga Doorashooyinka ayaana ku dhawaaqay in Doorashadii Maanta uu ku guuleystay Nuur Iidow Beyle in uu ka mid noqdo Xildhibaanada Golaha Shacabka.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media