DEG DEG: Guddoonka FIFA oo shaqo joojin lagu Sameeyay

Guddiga Anshaxa Ee Ururka kubada Cagta FIFA ayaa goor dhaw Shaqo joojin ku meel gaar ah ku sameeyay Madaxa FIFA Sepp Blatter oo Musuq baahsan lagu soo eedeyay.

Guddiga ayaa shaqada ka hakiyay muddo 90 Cisho ah Sepp Blatter oo imminka ay heysato fadeexad weyn oo musuq maasuq la xiriirta.

La Taliye iyo saaxib ku dhaw Sepp Blatter ayaa shaqo joojinta lagu sameeyay waxa ay u xaqiijiyen Telefishinka SKY Sports oo warbixinta baahiyay.

Xubno badan ayaa imminka u cararaya Doorashada Xiriirka FIFA Ee kubada Cagta oo dhaci doonta bisha Febraayo Ee Sanadka Dambe.

Dadka ilaa iyo imminka xaqiijiyay iney Xilkas u taagan yihiin waxa kamid Madaxa Xiriirka UEFA Platini,Amiir Cali oo hore ula tartamay Sepp Blatter,Musa Bility oo ah Gudoomiyaha Xiriirka Kubada Cagta Dalka Liberia iyo Gudoomiye ku xigeenkii hore Ee FIFA Chung Mong-joon.

W/Q Xuseen Maxamed

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor