DEG DEG: Gaari Cabdi Bile ah oo ka soo dhacay Buunada degmada Xamar Jajab

Gaari nooca Ciidanka ee Cabdi Bilaha loo yaqaano ayaa ka soo dhacay Buundada degmada Xmar Jajab ee Gobolkn Banaadir waxana ka dhashay shilkaas khasaaro dhaawac u badan.

Wararka ay heleyso Idaacadda Dalsan ee Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in gaariga ka soo dhacay Buundada uu sababay dhaawaca Askar saarneed gaariga iyo Burbur Hantiyadeed maadaama agagaarka Wadada marta Buundadaas ay ku yaalaan goobo Ganacsi sida uu radio Dalsan u sheegay qof ka mid ah dadka deegaanka.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo dadweyne kale ayaa gurmad u sameeyay ciidamada uu gaariga la gadoomay.

Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media