DEG DEG:-Gaadiid ay la socdeen Xildhibaano Hir-Shabeelle oo la weeraray

Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in goordhow Wadada loo galay Gaadiid ay la socdeen xildhibaano ka tirsan Maamulka hir-Shabeelle.

Weerarkaas ayaa waxa uu ka dhacay Wadada u dhaxeysa degmada Balcad iyo deegaanka Qalimoow ee Gobolka Shabeelleha dhexe gaar ahaaan deegaanada Haansheekh iyo Ilbiq,waxana lagu soo waramayaa in dagaal culus uu halkaasi ka socdo.

Dad ku sugan Balcad ayaa waxa ay sheegeen in ay maqlayaan Rasaasta dagaalka la isku adeegsanayo,isla markaana lasoo sheegayo in uu jiro khasaaro la gaarsiiyey Xildhibaanada iyo ciidamo ay wateen oo wadadaas ku socdaalayey.

Wixii ku soo kordha kala socda Radiodalsan.com.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media