DEG DEG: Feeryahanka Maxamed Cali Kalaay oo geeriyooday

Feer yahanka Maxamed Cali Kalaay ayaa saakay geeriyooday sida lagu cadeeyay war saxafadeed ka soo baxay qoyskiisa.

Kalaay ayaa jiray 74 sanno,waxa uuna ahaa feer yahan qabiir ah oo aad loo jeclaa ciyaarahiisa.

Seddex jeer ayuu Kalaay ku guuleystay abaal marinta tartanka feerka ee loo yaqaano (world heavyweight boxing champion).

Maxamed Kalaay waxa uu ahaa nin Muslim ah oo feer yahan ah waxaana arintiisa ay qabsatay baraha Bulshada.

Ra’iisul wasaaraha Ingriiska David Cameron iyo madax kale oo badan ayaa iyagana ka tacsiyeeyay geerida Maxamed Cali Kalaay.

Waxa uu ku dhashay gobolka Kentucky ee dalka Mareykanka 17 bishii 17, 1942kii,waxa uuna ku dhintay xalay isla dalka Mareykanka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor