DEG DEG: Fanaaniinta Xidigaha Geeska oo ka soo Muuqday Maxkamada Hargeysa

War goor dhaw aan ka helnay Magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Maxkamad ku taala Hargeysa ay ka soo muuqdeen Fanaaniinta Xidigaha Geeska iyaga oo jeebeysan.

Maxkamada ayaa amartay in muddo 7 cisho ah dib loogu sii hayo Xabsiga Fanaaniintan.

Maxkamada ayaa su’aalo weydiisay Fanaaniinta oo kala ah:-

Nimcaan Hilaac

Xamda Queen

Cabdiraxman Oday

Maxamed Bakaal Ciro.

Booliska Somaliland ayaa ka xiray Hoboladan Maalintii Axada Ee Toddobaadka Garoonka Diyaaradaha Cigaal Airport Ee Hargeysa.

Fanaaniinta ayaa loo heystaa iney Bandhig faneed ku soo qabten Magaalada Muqdisho oo ay Somaliland u aragto Caasimad ka tirsan Wadan kale oo ay iyagana ka xurooben.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor