DEG DEG:-Dowladda oo xaqiijisay wareejintii Qalbi Dhagax kuna sheegtay in uu xiriir la lahaa Al-Shabaab

Kulan deg deg ah oo ay Maanta isugu yimadeen Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa waxaa dowladda Soomaaliya ay go’aan rasmi ah uga soo saartay wareejintii cabdi Kariin Muuse Qalbi Dhagax oo ka mid ahaa madaxda Jabadda ONLF.

Shirka Deg dega ah ayaa waxaa shir gudooinayay ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre,waxaana mudo kadib dowladda Soomaaliya ay xaqiijisay in Cabdi Kariin muuse Qalbi Dhagax lagu wareejiyay dowladda itoobiya.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow oo Saxaafada u faah faahinayay ayaa sheegay in sababa Qalbi Dhagax loo wareejiyay ay ka mid ahaayeen in uu dalka ka waday falal lidi ku ah dahnka amniga, isaga oo xiriir la lahaa Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay in Jabadda ONLF ay uu Qatar ku yahay amniga Gobolka Geeska.

Dhanka kale waxaa hadda Warar ay heleyso Dalsan ay sheegayaan in xildhibaano ku dhow 60 Mudane ay ku shirsan yihiin mid ka mid ah Hotelada ku yaalla Muqdisho, iyaga oo Jawaab ka bixin doona Go’aanka Golaha wasiirada ee arrintii Qalbi Dhagax.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media