DEG DEG:-Doorashada Kursi ka banaan Golaha Shacabka oo ka bilaabatay Jowhar

Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle waxaa goordhow ka bilaabatay doorashada Xubin ka banaan Golaha Shacabka Soomaaliya.

Howlka Farjano ee Magaalada Jowhar ayay doorashada ka bilaabatay,waxaana dhammaan xaadir ah musharixiinta,iyada oo ay ammaanka ilaalinayaan Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM,waxana codeyn doona 51 Ergo.

Ilaa 6 Musharax ayaa ku tartamaya doorashada oo ay ugu cadcadyihiin taliyihii hore ee ciidanka Nabad-Sugida Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cli Sanbaloolshe iyo Madaxweynihii hore ee Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

Gudoomiyaha Gudiga doorashoyinka Madaxa Banaan Xaliimo Ismaaciil( Xaliimo Yareey) ayaa Goobta ka akhrisay shuruucda doorashada iyada oo rajo wanaagsan ka muujisay in ay doorashadu ku dhacdo si cadaalad ah.

Musharixiinta ayaa haatan jeedinaya hadalo kooban oo ku saabsan taarikhdooda iyo waxyaabihii ay qaban doonaan.

Musharixiinta uu Maanta loolanka adag u dhaxeeya ayaa kala ah

1:- Cali Cabdullaahi Cosoble

2:- Cabdullaahi Maxamed Cali Sambaloolshe

3:- Nuur Iidow Beyle

4:- Xuseen Axmed Geelle

5:- Dahabo Xasan Axmed

6:-Dahir Cabdulle Cawaale

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media