DEG DEG: Diyaaradii Masar oo la xaqiijiyay iney burburtay

Wakaalada Wararka Mareykanka Ee AP ayaa soo qortay in saraakiisha Dhinaca hawada ee dalka Masar ay xaqiijiyen iney burburtay diyaaradii Egyptair ee ka soo duushay magaalada Paris kuna socotay Qaahira.

Saraakiil diiday in magacyadooda la shaaciyo ayaa u sheegay AP in suurtagalnimada iney diyaarada burburtay imminka la xaqiijiyay,iyaga sababta ku sheegay in diyaarada aysan ku degan dhamaan garoomada ku dhawaa halka cilada ay ku qabsatay.

Ra’iisul Wasaaraha Faransiiska Manuel Valls waxa uu sheegay iney diyaar u yihiin iney ka qeyb qaatan howlgalka lagu raadinayo diyaarada maqan haddii Masar ay ka codsato.

Sido kale Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande waxa uu taleefonka kula hadlay dhigiisa Masar Cabdi Fataax Al Sisi,waxa ayna isku raacen iney si dhaw uga wada shaqeeyan arinta Diyaarada la waayay.

Diyaarada waxa saarnaa 30 Masaari ah,15 Faransiis ah,2 Ciraaq ah iyo hal hal muwaadin oo ka soo jeeda dalalka Ingiriiska,Sacuudiga,Bortuqiiska,Aljeeriya,Belgium,Canada,Chad,Kuwait iyo Sudan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor