DEG DEG: Diyaarada Daallo oo ku soo dhacday Garoonka Aadan Cadde

Sida Wararka ay sheegayan ugu yaraan 5 ruux ayaa ku dhawaacantay kadib markii ay diyaarada Daallo Airline ku soo dhacday Garoonka Aadan Cade Ee Magaalada Muqdisho.

Diyaarada ayaa la sheegay iney cilad soo wajahday wax yar uun kadib markii ay ka duushay Garoonka sida Dalsan uu u sheegay Sarkaal ka tirsan Garoonka Aadan Cade.

Diyaarada ayaa ku sii socotay Dalka Jabuuti ka hor inta uusan dab ka kicin gudaha Diyaarada,waxaana imminka socda Baaritaan lagu xaqiijinayo waxa sababay dabka inuu yahay Qarax iyo in cilad kale ay jirtay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor