DEG DEG:-Diyaarad siday Muqtaar Rooboow oo Goordhow gaartay degmada Xudur

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool ayaa sheegaya in uu goordhow gaaray Wadaadka Sheekh Muqtaar rooboow Cali abuu Mansuur oo horay uga tirsanaa Al-Shabaab balse sheegay in uu ka baxay.

Muqtaar Rooboow ayaa waayadan ku sugnaa Muqdisho,waxaana Safarkiisa ku wehliya Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed.

Wefdiga ayaa siweyn loogu soo dhaweeyay degmada Xudur ee Xarunta gobolka Bakool,waxaana weli la ogeyn Safarkaan uu muqtaar rooboow uu halkaasi u tegay oo aan horay loo sii shaacin.

Wixii ku soo kordha kala socda radio Dalsan.com

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media