Deg Deg; Diyaarad Nooca Wax Basaasta oo Ku Soo Dhacday Buurhakaba

Wararka ka imaanaya Magaaladda Buurhakaba Ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in Halkasi ay ku soo dhacday Diyaarad nooca wax basaasta ee aan duuliyaha laheyn(Drone).

Diyaaradda lama ogga sababta ay u soo dhacday balse waxa jira Warar sheegaya in cilad ay soo Wajahday Diyaarada halka ilo wareedyo kalena ay ku warameen in Al Shabab ay soo rideen.

Deegaanka Diyaaradda ay ku soo dhacday oo u dhaw Degmadda Buurhakaba waxa imminka gacanta ku heysa Kooxda Al Shabab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor