DEG DEG: Diyaarad Nooca Droneka oo Duqeysay Saraakiil Ka Tirsan Al Shabab

Ila Wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku sugan Deegaanka Jungal oo ku dhaw Magaaladda Baardheere ayaa xaqiijiyay in Diyaarad Nooca Duuliyaha aan laheyn ay bartilmaamedsatay Gaari siday Saraakiil sar sare oo Ka Tirsan Kooxda Al Shabab.

Duqeynta waxa lala eegtay Saraakiil dhinaca Militariga Al Shabab oo ay ku jiran Ismaaciil Jabhad iyo Ismaaciil Dheere sida ay xaqiijiyeen Ila Wareedyo lagu kalsoon yahay.

Weli lama ogga khasaaraha Rasmiga ee ka dhashay Duqeyntasi lkn dadka deegaanka ayaa sheegaya in laga yaabo inuu khasaare xoogan jiro.

Waxa ka soo kordha halkan ayaad kala socon doontan insha allah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor