DEG DEG:-Diyaar Sida Muqtaar Roobow oo ku soo wajahan Muqdisho

Wararka aan ka heleyno Degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool ayaa waxa ay sheegayaan in Diyaarad sida Wadaadka Muqtaar Rooboow ay halkaasi ka soo ambabaxday.

Xubnaha wafdiga la socda Muqtaar Roobow ayaa waxaa ka mid noqon doona Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya iyo taliye ku xigeenka Ciidanka Nabad-Sugida Soomaliya.

Dhanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa haatan laga dareemayaa diyaar garow ku aadan sidii loo soo dhaweyn lahaa Muqtaar roobow Cali Abuu Mansuur oo mudo ka mid ahaa hoggaamiyaasha sar sare ee Kooxda Shabaab.

Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media