Kooxo hubeysan oo dilka geystay Xaafad ka mid ah Muqdisho

Rag hubeysan ayaa Maqribnimadii caawa waxaa qeybo ka tirsan degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir ay ka geysteen dil,iyaga oo durba goobta ka baxsaday.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in rag aan la garaneyn ay toogteen qof la sheegay in uu Shacab ahaa,isla markaana qofkii isla goobtii uu ku geeriyooday.

Ilaa iyo hadda sirasmi ah looma oga waxa uu qaban jiray ruuxa la dilay marka laga reebo in dadka qaarkood ay sheegeen in uu ahaa qof Shacab ah.

Goobtii uu dilka ka dhacay Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa gaarey kuwaas oo halkaasi baaritaano ka sameeyey.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media