Kooxo hubeysan oo dilka geystay xaafad ka mid ah Muqdisho

Goordhow ayaa rag ku hubeysnaa bustoolado waxa ay hal ruux ku dileyn mid kalena ku dhaawaceen  isgosyka Maana booliyo ee degmada Shibis ee gobolkan Banaadir.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in laba dhalinyaro ah oo hubeysnaa ay toogteen nin la sheegay in uu ahaa askari ka tirsanaa ciidamada taraafilada halka haweeney ka mid aheyd, gancsadada qaadka  ay dhaawaceen,iyaga oo intaasi kadib goobta ka baxsaday.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in askariga markii la dilay kadib qorigii uu watey laga qaaday,waxaana goobta agarey Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda   kuwaas oo baaritaano ka wada.

Wixii kusoo kordha kala socda radiodalsan.com.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor