Askari ka tirsanaa Ciidamada dowladda oo lagu dilay Muqdisho

War goordhow soo gaarey Radio Dalsan ayaa waxa uu sheegayaa in degmada Shibis ee Gobolka Banaadir lagu dilay askari la sheegay in uu ka tirsanaa Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Rag hubeysan ayaa la sheegay in ay meel aan ka fogeyn xarunta degamda Shibis ku dileyn askari ka tirsanaa ciidamada booliska Soomaaliya,iyaga oo goobta ka baxsaday dilka kadib.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in askariga la dilay  aad looga yaqaanay degmada Shibis kaas oo Magaciisa lagu soo gaabiyey Qataatoow’

Askariga ayaa xilliga la dilayey waxa uu saarnaa gaari,balse la sheegay in raga hubeysnaa markii ay toogteen kadib ay qaateen qori uu watey.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa goobta gaaray kuwaas oo goobta ka qaaday meydka askariga.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media