Deg Deg: Dibad Bax Looga Soo Horjeedo Nickolas Kay oo Ka Socda Dhusamareb

Dibad Bax Weyn oo ka dhan ah Danjiraha Qaramadda Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Nick Kay ayaa imminka ka socda Magaaladda Dhuusamareeb Ee Gobolka Galguduud.

Dibad baxayaal badan ayaa isugu yimid Xaafadaha Magaaladda Dhuusamareeb kuwaas oo dhamaantood ka soo horjeeda Baaqa Nick Kay ee ahaa in Ahlu Sunna ay isaga Baxdo Dhuusamareeb.

Ciidamadda Ahlu Sunna Waljameeca ayaa dhawaan Dowladda Federaalka kala wareegtay Gacan ku heynta Magaaladda Dhuusamareeb Ee Xarunta Gobolka Galguduud.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor