Deg Deg; Dagaalamayaasha Alshabaab oo qabsaday Tuullo u dhow Mandheera

Dagaalyahanno la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Xarakadda Alshabaab ayaa la sheegay inay si rasmi ahaan ula wareegeen Tuulladda Lafey oo ka tirsan Mandhera.

Wargeyska The Daily Nation ayaa qoray in ka badan 30 dagaalyahanno oo ka tirsan Alshabaab ku sugan yihiin Tuulladaasi, iyadoo ay boqolaal ka tirsan dadka deegaanka la sheegay inay ka carareen guryahooda.

Waxaa la sheegay inay Tuullo-joogto qaxooti ah u tageen Degmooyinka Mandheera iyo Ceelwaaq.

Afar Dugsi oo uu ku jiro Dugsiga Sare ee Wiilasha ee Gari Boys Secondary School ayaa la sheegay in albaabadda loo laabay.

Maamulaha Dugsigaasi, Mahad Aan ayaa ugu baaqay Dowladad Kenya inay xoojiyaan ammaanka deegaankaasi.

Taliye-xigeenka Mandheera, Fredrick Ayieko ayaa sheegay inay heleen Warbixinta ku saabsan inay Alshabaab joogaan Tuulladda Lafey.

© Warqabadka Dalsan Radio

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor