DEG DEG:-Dagaal Xooggan oo ka Socda Xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho

Dagaal xooggan oo u dhaxeeya Ciidamo kawada tirsan Dowlada Soomaaliya,isla markaana  u abaabulan qaab beeleed ayaa xiligaan waxa uu ka socdaa xaafado ka tirsan  Magaalada Muqdisho.

Dagaalka ayaa waxa uu ka socdaa Xaafada Saban Saban iyo Haanta dheer oo ka tirsan degmada deeyniile,waxana dadka deegaanka ay Dalsan u sheegeen in la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.

Ciidamada wada dagaalamaya ayaa iskuheysta dhul halkaasi ku yaalla,waxaana aaga lagu dagaalamaya u dhow Xarunta Kuliyadda jaale Siyaad oo ay degan yihiin Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM iyo Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Dadkii deganaa xaafadaha uu dagaalku ka socdo iyo xaafadaha kale ee ku dhaw dhaw ayaa horey uga barakacay guryahooda, waxa ayna dadka qaar hadda sameenayanaan barakac xoogan,waxana jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay dagaalkaas.

Wixii ku soo kordha kala socda Radiodalsan.com

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media