DEG DEG: Dagaal Xoogan oo Ka Socda Gobolka Gedo

Dagaal xoogan oo u dhaxeeya Ciidamadda Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Al Shabab ayaa ka socda Deegaanka Carracase oo u dhaxeeya Magaaladda Garbahareey iyo Magaalada Baardheere Ee Gobolka Gedo.

Dadka deegaanka waxa ay Warbaahinta u sheegeen in La isku adeegsanayo Madaafiic Xoogan oo ku soo dhaceysa Halka Dagaalka uu ka socdo.

Ciidamadda Dowlada oo kaashanaya Kuwa AMISOM ayaa beryahan waday howlgal culus oo ka dhan ah Al Shabab iyagga oo Kooxda kala wareegay toddobaadkii hore Magaalooyinka Baardheere iyo Diinsoor.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor