DEG DEG: Dagaal Xoogan Oo Goor Dhaw Ka Qarxay Magaalada Marka

Dagaal la sheegay in la isku adeegsano hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa lagu soo waramayaa in mar kale goor dhaweyd uu ka qarxay magaalada Marka ee xarunta gobolka shabeelaha hoose.

Wariyaha radio dalsan ee gobolka shabeelaha hoose ayaa soo sheegaya in dagaalka hadda uu bilowday islamarkaana magaalada laga maqlayo dhawaqa rasaasta.

Dagaalka hadda ka qarxay Magaaladaasi ayaa u dhaexeeya beelo walaalo ah oo wada dega gobolkaasi.

Wixii Faah faahin ah halkan ayaad ka heli doontaan Inshaa Allah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor