DEG DEG: Dagaal Xoogan oo dib uga Qarxay Beledweyn

Wararka ka imaanaya Magaalada Beledweyn Ee Xarunta Gobolka Hiiraana ayaa sheegaya in goor dhaw uu Dagaal xoogan dib uga qarxay Xaafada Howl-Wadaag Ee Magaaladasi.

Dadka deegaanka ayaa Radio Dalsan u sheegay in la isku adeegsanayo hubka darandooriga u dhaca.

Weli lama ogga khasaaraha Dagaalkan balse waxa Magaaalada ku sugan Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya,kuwaas oo shalay gaaray Halkasi.