DEG DEG:-Dagaal ka socda Xaafad ka mid ah Muqdisho

War goordhow soo gaarey Radio dalsan ayaa waxa uu sheegayaa in dagaal uu iminka ka socdo Xaafad ka tirsan degmada Dharkenley ee Gobolka Banaadir.

Dagaalka ayaa waxa uu ka socdaa Xaafada Macalin Nuur,waxaana la soo sheegayaa in dagaal uu yimid kadib markii Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay doonayeen in ay hubka ka dhigaan ciidamo milateri ah oo xaafadaas ku sugnaa balse ay diideen.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in weli rasaasta ay socoto,isla markaana halkaasi lagu dilay laba ka mid ah ciiidamadii milateriga ahaa ee diiday in ay hubka dhigaan.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in ciidamada kuwa xasilinta oo wata gaadiidka dagaalka ay goobta kusii qul qulayaan.

Duhurnimadii Maanta ayaa ciidamada xasilinta sidoo kale waxaa ay toogteen laba nin oo hubeesnaa kuwaas oo diiday in ay hubka dhigaan,iyaga oo dagaalamay.

Wixii kusoo kordha kala socda radiodalsan.com.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor