DEG DEG:-Dagaal ka socda G/Galgaduud iyo Ciidamada Galmudug oo deegaano Cusub la wareegay

Wararka aan ka heleyno Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayan in deegaanka Mareer Gur ee gobolkaas ay weeraraeen ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Galmudug.

Wararka aan heleyno ayaa waxa ayu sheegayaan in Ciidamada 21,aad ee xoogga dalka iyo kuwa Galmudug ay weerar dhowr jiho ah ku qaadeen deegaanka Mareer Gur oo ay ku sugnayeen ciidamo ka tirsan kuwa Ahlusuna Wal-Jamaca.

Sidoo kale warar ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Galmudug ay deegaanka Maareer Gur la wareegeen xaaladuna iminka ay tahay mid kacsan.

Wararkii u dambeeyay ayaa waxa ay sheegayan in ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay u ruqaansadeen dhanka degmada Dhuusamareeb oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Ahlusuna.

 

Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media