DEG DEG:-Dagaal ka socda deegaano ka tirsan G/Hiiraan

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in uu dagaal ka socdo Xadka uu Gobolkaas la leeyahay Gobolka Galgaduud gaar ahaan deegaan lagu Magacaabo Ilguule oo deegAan ahaan ka tirsan gobolka Hiiraan.

Daagaalkaan ayaa u dhaxeeya laba Maleeshiyo beelEed oo halkaasi wada dega kuwAas oo ah xoolo dhaqato.

In kastoo aan la ogeyn waxa sababay dagaalkaas,ayaa hadana Wariyaheena gobolka Galgaduud Maryan Cali Mire waxa ay soo sheegeysaa in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo kala gaaray labada Maleeshiyo beeleed oo wada dagaalmay,iyada oo dadka dhaawacyada ah la geynayo isbitaalada Guriceel iyo Baladweyne ee Gobolada Hiiran iyo Galgaduud.

Xalay ayaa deeganada lagu dagaalamayo waxaa ka dhacay dilal iyo dhaawacyo loo geystay dad rayid ah.

Xaalada deegaanka ayaa ah mid kacsan,waxana dadka qaarkood ay bilaabeen in ay ka barakacaan Goobaha lagu dagaalamayo si aysan dhibaato uga soo gaarin.

Wixii ku soo kordha kala socda Radiodalsan.com

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media