DEG DEG:-Dagaal ka socda deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo daagal u dhaxeeya Ciidamada Maamulada Puntland iyo Soomaaliland.

Dagaalka oo aad u xooggan ayaa dadka deegaanka waxa ay sheegayaan in la isku adegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan oo ay ku jiraan kuwa waaweyn.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac ah ayuu dagaalkaas sababay,waxana weli la ogaan Karin khasaaraha rasmiga ah maadaama weli dagaalka halkaasi kas ocdo.

Taliyaha Ciidamada Maamulka soomaaliland General Nuux Taani Ismaaciil oo ku sugan laas caanood ayaa shegay in saakay ay weerar ku soo  qaadeen ciidamada Puntland,isla markaana ay iska difaacayaan.

Dagaalada ayaa kusoo aadaya xilli Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Michael Keating uu xalinta xiisadaas u tegay Magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa basle ay u muuqato in xiisadu ay sii kacday.

Wixii kusoo kordha kala socda radiodalsan.com

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media