DEG DEG:-Dagaal culus oo ka socda Gobol ka tirsan Afganistaan

Ciidan u daacad ah Madaxweyne-ku-xigeenka Afganistan,  Amrullaahi Saalax ayaa waxay maanta dib u qabsadeen Deegaanka Charikar ee Gobalka Parwan ee Waqooyiga magaalladda Caasimadda ah ee Kabul.

Haatan, waxa uu Dagaalka ka socdaa Gobalka Panjshir Gorge,  sida ay Ilo Milliteri u sheegeen Warbaahinta Raashiya ee Sputnik, wuxuuna dhexmarayaa Ciidanka Madaxweyne-ku-xigeenka Afganistan iyo kuwa Daalibaan.

Ilo-wareedka ayaa waxaa ay sheegeen inuu  Gobalkasi leeyahay waddada Istaraajiyadda muhiimka leh ee ka gudubta Charikar ilaa Hulka Salang Tunnel oo ah hul magaalladda Kabul ku xira magaalladda Masaara-Shariif oo ah magaalladda ugu weyn ee Waqooyiga Afganistan.

Mar sii horeysay, Amiirullaahi Saalax waxa uu sheegay inuusan jeclaysanin inuu Madaxweyne Ashraf Qaani u baxsado Dibedda.

Dastuurka Afganistan waxa uu dhigayaa haddii uu Madaxweynaha meesha ka baxo inuu  Madaxweyne- Ku-xigeenka noqonayo Sii-Haye Xilka Madaxweynaha (Caretaker President).

Dhammaan Gobolada iyo Caasimadda dalka Afganistan ee Kaabul ayaa waxaa gacanta ku haaya oo la wareegay Xarakada Daalibaan, waxaana dalkaas isaga cararay Madaxweyne Ashraf Qaani iyo inta badan Madaxdii dalkaas.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor