DEG DEG:-Dagaal Culus oo ka socda Duleedka Degmada Balcad

War Goordhow Dalsan ka soo gaaray degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxa uu sheegayaa in duleedka degmadaas uu dagaal haatan ka socdo.

Dagaalka ayaa waxa uu sigaar ah uga socdaa deegaanada kala ah Baqdaad,Alfoow iyo Gaalgube oo u dhexeeya degmooyinka Balcad iyo Afgooye, halkaas oo ay ku sugan yihiin Ciidanka dowladda Soomaaliya.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamo ka tirsan kuwa Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen fariisinka Ciidanka dowladda oo maalma ka hor kala wareegay.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo labada dhinac ah balse aan la xaqiijin Karin khasaaraha rasmiga ah inta uu la egyahay.

Goobta uu dagaalka ka socdo ayaa ah dhul dhoobey ah oo inta badan asyan marin krin Gaadiidka maadaama halkaasi uu ka Da’ay roobkii deyrta.

Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media