DEG DEG:-Dagaal Culus oo ka socda deegaanka Tukaraq

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo dagaal u dhaxeeyo ciidamo kala taabacsan Maamulada puntland iyo Soomaaliland.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii xalay Saqdii dhexe  ay duleedka deegaanka Tukaraq gaareen ciidamo uu hogaaminayay Madaxweyne ku xigeenka puntland Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Cameey kuwaas oo doonayay in ay Gudaha u galaan deegaanka Tukaraq oo ay ku sugan yihiin ciidamada Soomaaliland.

Dadka deegaanka Tukaraq ayaa waxa ay sheegeen in dagaalka ay labada dhinac isku adeegsanayaan Hubka noocyadiisa kala duwan kaas oo inta badan laga maqlayo deegaanka tukaraq iyo tuulooyinka hoostaga.

Weli lama oga khasaaraha ka dhashay dagalkaas,waxana la maqlayaa jugta hubka ay isku ridayaan labada dhinac ee Soomaaliland iyo Puntland.

Faah faahinta Warkaan kala socda Radiodalsan.com

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media