DEG DEG:-Dagaal culus oo ka socda deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo dagaal u dhaxeeya Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM iyo Al-Shabaab,

Goobjoogayaal ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in Al-Shabaab ay weerar madaafiic ah ku soo qaadeen Fariisin ciidamo ka tirsan AMISOM ku leeyihiin Xaafada lagu Magacaabo Arbacoow oo ka tirsan deegaanka Ceelaha Biyaha.

Weerarka madaafiicda ah kadib waxaa dadka deegaanka ay sheegeen in la maqlay rasaas labada dhinac ay isku ridayaan.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka maadaama xilli habeen ah ay tahay,isla markaana ay adag tahay in la ogaado khasaaraha labada dhinac iyo dadka shacabka ah intaba ka soo gaaray dagaalka.

Xaalada kacsanaan ah ayaa Caawa ka jirta deegaanka Ceelasha biyaha,waxana dadka deegaanka ay sheegeen in ay cabsi dareemayayaan.

Wixii ku soo kordha kala socda Radidalsan.com

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media