DEG DEG:-Cosoble oo ka hadlay Xilka qaadistii lagu Sameeyay

Cali Cabdullaahi Cosoble Madaxweynihii Maamulka Hir-Shabeelle balse Xildhibaano ka tirsan amamulkaas ay sheegeen in ay xilkii ka qaadeen ayaa ka hadlay xilka qaadistaas.

Goordhow ayaa Waxa uu magaalada Jowhar Warbaahinta ugu qabtay shir Jaraa’id waxa uuna sheegay in xilka qaadistii ay ku sameeyen xildhibaanada ay tahay mid aan waxba ka jirin.

Sidoo kale waxa uu sheegay in isagu uu yahay Madaxweynaha Hir-Shabeelle islamarkaana wixii tabasho ah ay jira la xalin doono.

Goordhow la socda Wararkii u dambeeyay ee Xiisadaha Siyaasadeed ee ka taagan Jowhar