DEG-DEG:-Ciidamo ku dagaalamay Muqdisho iyo khasaaro ka dhashay

Wararka ka imaanaya Isgooyska Towfiiq ee magaalada Muqdisho ayaa ku warama in ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya in is risaasayni ay ku dhexmartay ciidamada xasilinta,Isku dhacan dhexmaray ciidamada ayaa warar kala duwani ka soo baxayaan.

Dad goobjoogayaal ah oo ay la hadashay Idaacada Dalsan ayaa sheegay in khasaare uu soo kala gaaray ciidamada wada dagaalamay,Wararka ayaa sheegaya in ku dhawaad 3 Askari ay ku dhaawacmeen halka mid kalana uu ku geeriyooday isrisaasayntaas.

Ilaa iyo haatan lama oga waxa sababay isku dhaca ciidamadaan iyada oo sidaan oo kalana ay tira ka dhowr jeer ciidamada dowladdu ay ugu wada dagalameen magaalada Muqdisho.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor