DEG DEG: Ciidamada Nabadsugida Oo Jirdilay Qaar Kamida Xildhibaanada Soomaaliya

Ciidamada nabadsugidda Soomaaliya Ayaa Jir dilay qaar kamida xildhibaanada soomaaliya Inta usan furmin kulanka mudanayaasha baarlamaanka.

Ciidamadda ayaa xeray wadooyinka gala xarunta golaha shacabka ee magaalada muqdisho.

Afhayeenka golaha shacabka Maxamed Sh Cismaan Jawaari ayaa Ka Hadlay Jir dilka Loo geestay Qaar kamida xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa Uu sheegay in aysan ka soo horjeedin in la xaqiijiyo Amaanka Balse Xildhibaanada ay leeyihiin xasaanad islamarkaana la dhowro xasaanadooda.

Dhanka Kale Gudiga Arimaha Gudaha Baarlamaanka Ayaa Lagu Amray in ay Si Deg Deg Ah Warbixin Uga Keenaan Waxa Arintaasi Sababay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor