DEG DEG: Ciidamada Kenya oo laba Ruux ku dilay Mandheera

Ugu Yaraan Laba ruux ayaa ku dhimatay Rasaas ay Ciidamada Kenya ku fireen Gaari ay saarnayen Dad shacab ah oo Marayay Bartamaha Magaalada Mandheera Ee Waqooy-Bari Kenya.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in Ciidamada ay si bareer ah rasaas ugu fureen Gaariga,inkastoo aysan weli arintan ka hadlin Laamaha Amniga Kenya. Qaar kamid ah dadka deegaanka Mandheera ayaa ku soo qoray Baraha bulshada dhacdadan waxa ayna soo dhigen Barahooda Bulshada Sawirada dadkii ku dhaawacmay Rasaastasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor