DEG DEG: Ciidamada Booliiska Somaliland oo dil Iyo dhaawac ka geystay M/Hargeysa

War goor dhow naga soo gaaray magaalada Hargeysa ee Caasimadda Maamulka Somaliland ayaawaxa uu sheegayaa in hal qof uu geeriyooday mid kalana uu dhaawacmay akdib markii rasaas ay rideen ciidamda Soomaaliland.

Falkan ayaa waxa uu ka dhacay xaafadda lagu Magacaabo Qurac dheer oo la sheegay in dadka degan la doonayay in laga raro balse dadkaasi ay diideen in ay ka guuraan taas oo kentay in Ciidamadu ay rasaaseeyeen.

Ciidamada booliiska Somaliland ayaa bilaabay saacado kahor  inay dadka ka raraan xaafadda Qurac dheer halkaas oo maalma kahor  laba caruur ah ay daadad ku qaadeen.

Wixii ku soo kordha kala socda Radiodalsan.com.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media