DEG DEG: Ciidamada ammanka oo soo qabtay ninkii dilay Taliyihii Nabad Sugida Shabeelada Dhexe

Ciidamada ammaanka Soomaaliya ee magaalada Jowhar ayaa gacanta ku soo dhigay ninkii dilay Taliyaha Nabad Sugida Soomaaliya ee gobolka Shabeelada Dhexe Cabdiweli Ibraahim Jumbur iyo dhaawaca ku xigeenkiisa.

Ninkan oo aan magaciisa la sheegin waxa laga soo qabtay agagaarka degmada Jowhar oo uu u baxsaday markii uu dilka geystay sida SONNA ay sheegtay.

Warar ayaa sheegaya in ninkan uu hore uga soo goostay Al Shabab ka hor inta uusan ku biirin ciidamada Nabad Sugida.

Al Shabab ayaa sheegatay masuuliyada dilka Taliyahii Nabad Sugida Shabeelada Dhexe Cabdiweli Ibraahim Jumbur oo xalay la dilay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor