DEG DEG: Ciidamada AMISOM oo dilay hal Askari laba kalena dhaawacay

Gawaarida Ciidamada AMISOM ayaa goor dhaw ku jiiray Askari ka tirsan Ciidamada Dowlada Soomaaliya Duleedka Magaalada Muqdisho,Hal askari ayaa dhintay laba kalena waa ay dhaawacmen.

Dadka Deegaanka Taree-Dishe ayaa Radio Dalsan u sheegay in Gaarigga Ciidamada AMISOM uu isku dayay inuu wadada kaga hormaro Gaariga ay saarnayen Ciidamada Dowlada oo ka horeeyay balse ay ka tuuren mid kamid ah Askartii Dowlada Gaarigii uu saarnaa kadibna ay dul mareen.

Ciidamada Dowladda ayaa isku dayay iney la hadlan Ciidamada AMISOM Ee shilka geystay balse uma aysan istaagin.

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor