DEG DEG:-Booliska Soomaaliya oo Muqdisho ku soo Bandhigay Nin ka tirsanaa Kooxda Daacish

Booliska Soomaaliya ayaa Goordhow Xarunta Dambi-baarista ee CID-da ee Magalada Muqdisho waxa ay ku soo bandhigeyn Nin la sheegay in uu ka tirsanaa Kooxda Daacish.

Ninkaan oo Magaciisa lagu sheegay Jaamac Xuseen Xasan ayaa booliska Soomaaliyeed waxa ay sheegeen in uu horay uga tirsanaa Al-Shabaab balse markii dambe uu ku biiray Kooxda Daaciish oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya kana dagaalanta Wadamada Siiriya iyo Ciraaq.

Jaamac Xuseen Xasan oo ah Ninka lagu eedeeyey in uu ka tirsanaa  Daacish ayaa Warbaahinta waxa uu u faah faahiyey halka laga soo qabtay iyo waqtigii uu ku biiray kooxda Daacish,waxa uuna sheegay in uu ka yimid Buuraha Galgala ee Gobolka Bari.

Booliska ayaa sidoo kale waxa ay soo bandhigeyn Miino la sheegay in isaga oo dhigaya lagu qabtay.

Goordhow la socda Codadka soo bandhigista Ninka ka tirsanaa Kooxda Daacish.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media