DEG DEG :Barlamaanka oo isku raacay in dhiibisti Qalbi Dhagax ay sharci daro aheyd

Barlamaanka ayaa isku raacay in dhiibisti Qalbi dhaga ay aheyd sharci daro kadib kulan hada ka socda iyada oo Maanta la horgeeyay warbixin la xiriirtay Kiiskii Cabdi Kariim Muuse Qalbi Dhagax.

Guddiga ayaa Baarlamaanka ka hor Akhriyay baritaanadii ay ku sameeyeen kiiskii lagu dhiibay Cabdi Kariim Muuse Qalbi dhagax oo ka mid ah Madaxda Ururka ONLF.

Intaas kadib Xildhibaanada ayaa cod u qaaday Warbixinta Kiiska Cabdi Kariim Muuse Qalbi Dhagax, 152  Mudane ayaa u codeeysay 6 way diiday  3  weey ka aamustay.

Guddiga ayaa Wrbixintooda waxa ay ku sheegeen in Nabad-Sugida Soomaaliya ay maareysay isla markaana aan lagala tashan Madaxda dalka.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor