DEG DEG:-Baarlamaanka Soomaaliya oo Go’aan ka gaaray Arintii Wasiir Xoosh

Maanta Muqdisho waxaa kulan ku yeeshay Xubnaha Golaha Shacabka ee dowladda federaalka Soomaaliya,waxana hortegay Wasiirka Dastuurka Soomaaliya  Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil kaas oo la filayay in ay Baarlamaanka go’aan ka gaaran arinta xilheyntiisa

Markii uu kulanka furmay Wasiir Xoosh ayaa Baarlamaanka dalbaday in ay Cafiyaan maadaama ay maalmihii la soo dhaafay ku dheganaayeen,iyada oo intaas kadib ay xildhibaanadu cafiyeen.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya  ayaa horay u dalbaday in uu hortago Wasiirka kadib markii Bartiisa twetter-ka uu soo dhigay hadalo ay ka caroodeen balse uu Maanta ugu dambeyn raali gelin ka bixiyay.

Xildhibaanada ayaa waxa ay sheegen in xiligaan wixii ka dambeeya uu wasiirka Shaqadiisa siiwadan karo,sida ay soo sheegeyso Wariyaha Arimaha Baarlamanka Soomaaliya ee radio Dalsan Farxiyo Maxamed xuseen(Muraad)

Goordhow la socda Warkaan oo faah faahsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media