DEG DEG:-Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay 4 degmo oo ka mid noqonaya degmooyinka Puntland

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa Maanta Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal waxa ay ku yeesheen kulan xasaasi ah kaas oo looga hadlayay ansixinta degmooyin Cusub oo ku soo biiraya Puntland.

Xildhibaanada ayaa  mudo ka dooday 4 degmo oo la doonayay in la ansixiyo,waxaana ugu dambeeyn ay cod u qaadeen degmooyinkaas oo xiligaan wixii ka dambeeya loo aqoonsan doono in ay ka mid yihiin degmooyinka puntland

Xildhibaanada ayaa Waxay ansixiyeen degmooyinka kala ah Xumbeys,dhudhub Bur-Saalax iyo Shaxda,39  Mudane ayaa ansixiyay 1,Xildhibaan ayaa diiday halka  4 ka aamustay sida uu ku dhawaaqay gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland.

Goordhow la socda faah faahinta Warkaas

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media